Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal uu wato Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey
Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal uu wato Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey , ayaa saakay la wareegay suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho, dhulkaas oo dowladda saakay rabto in ay xoog ku burburiso.
Xildhibaan Yaasiin Farey, ayaa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin dadka uu matelo in dhulkooda xoog looga barakiciyo lana burburiyo , waxa uuna caddeeyay in uu difaaci doono dhulkaasi oo dowladda rabto in ay burburiso ayna boobto.
Ciidamada uu wato xildhibaanka
Ciidamada uu wato xildhibaanka, ayaa isku fidiyay qeybo kamid ah suuqa Siinay, waxa ayna ciidamada xirteen waddooyinka suuqa Siinay soo gala, si ay uga hortagaan in ciidanka dowladda soo galaan ayna burburiyaan halkaasi.
Dhinaca kale ciidamo badan oo ka amar qaata dowladda oo isugu jira Haramcad iyo Booliisa Milataare , ayaa la geeyay hareeraha suuqa Siinay, waxa ayna ciidankan oo wata gaadiidka cagaf cagafta isku dayayaan in suuqa Siinay galaan ayna burburiyaan.
Dadkii shacabka ahaa ee deganaa xaafado
Dadkii shacabka ahaa ee deganaa xaafado katirsan Siinay iyo dadkii suuqa ku ganacsan jiray ayaa halkaasi isaga barakacay, waxa ayna cabsi badan dadkaasi ka qabaan in korkooda ku dagaallamaan labada ciidan ee iska soo horjeeda.

0 Comments