Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Spain
Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Spain, Luis Rubiales, ayaa dhaleeceyn badan la kulmayay dhowaanahan kadib markii uu dibnaha ka dhunkaday weeraryahannadda xulka Spain haweeneyda lagu magacaabo Jenni Hermoso iyadoo lagu guda jiray dabbaaldagga haweenka Spain ay ku qaadeen Koobka Aduunka.
Dhunkashada oo ka dhacday meel fagaare ah ayaa waxa qabtay kaameradaha garoonka iyadoo ay ka dhalatay caro dowladeed mid dadweyne iyo mid ciyaartoy intaba, iyadoo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada Hermoso ayaa si toos ah u sheegtay in aysan ku qanacsaneyn dhunkashada gaadmada ah isla markaana aysan jecleysan.
Dood dheer dacwad ayaa lagu furay Rubiales oo ah ninka gabadha dhunkaday iyadoona ciyaaraha laga ganaaaxay in muddo ah Guddoomiyaha guddiga anshaxa ee FIFA, Jorge Ivan Palacio oo isticmaalaya awoodaha qodobka 51-aad ee xeerka anshaxa FIFA ayaa maanta go’aansaday inuu si ku meel gaar ah uga joojiyo Mr. Luis Rubiales dhammaan hawlaha kubbadda cagta. heer qaran iyo heer caalami.
Joojintan, oo dhaqangeli doonta laga bilaabo maanta
Joojintan, oo dhaqangeli doonta laga bilaabo maanta, waa muddo 90 maalmood ah, iyadoo la sugayo dacwadda anshax-marinta ee Mr. Luis Rubiales Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga anshaxa ee FIFA ayaa soo saaray laba dardaaran oo dheeri ah. kaas oo uu ku amrayo Mr. Luis Rubiales in uusan wax xiriir ah la sameyn Karin ama cidna uusan u dirsan Karin xidigta qaranka Spain Jennifer Hermoso ama cid iyada u dhow.
Waxay ku dartay inaysan ka faalloon doonin tallaabo kasta oo anshaxeed ilaa laga soo gebagebeeyo dacwadaha ka dhanka ah Rubiales Fifa ayaa furtay dacwado ka dhan ah Rubiales kadib falkii uu sameeyay intii lagu guda jiray qaybinta billadaha Koobka Adduunka ee Haweenka 24kii Agoosto, markaasoo uu bushimaha ka dhunkaday khadka dhexe ee Spain Jenni Hermoso Waxay sheegtay in aanay raali ka ahayn dhunkashada, balse Rubiales ayaa sheegay in ay ahayd heshiis.
Marka laga soo tago jagada madaxweynaha FA-ga Spain, Luis Rubiales ayaa sidoo kale xubin ka ah guddiga fulinta ee awoodda badan ee xiriirka kubbadda cagta Yurub, UEFA Jenni Hermoso waxaa lagu tiriyaa mid kamida gabdhaha ugu firfircoon ee xulka Spain iyo kooxda Barcelona Waxa ay dhalatay sanadkii 1990kii, Hermoso waxa ay hadda u ciyaartaa kooxda reer Mexico ee CF Pachuca.
Xirfaddeeda waxay ku qaadatay dhawr kooxood oo Spain ah. Waxay inta badan xirfadseeda ku qaadatay FC Barcelona, halkaas oo ay ka ciyaareysay 2013-kii ilaa 2017-dii iyo 2019-kii ilaa sanadkii hore Hermoso ayaa loo arkaa mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican ciyaaraha haweenka, waxaana loo arkaa in ay tahay halyey u dhalatay Spain una ciyaarta Barcelona.
Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya labada kooxood, waxayna Barcelona u dhalisay 181 gool iyo 51 gool oo ay u dhalisay Spain Hermoso ayaa ku guuleystay lix horyaal oo Isbaanish ah, Champions League, iyo Koobka Adduunka, iyo abaalmarinno kale.
Rubiales, oo raaligelin ka bixiyay falkii uu sameeyay Isniintii, ayaa yiri, Waa inaan qirtaa, gabi ahaanba in aan khaldanaa Isaga oo sheegay in uusan u jeedo xun ka lahayn, Rubiales waxa uu sheegay in dhacdadani ay keentay farxadda weyn ee hanashada koobka adduunka ee haweenka Raiisal wasaaraha Spain Pedro Sanchez, oo sameeyay qiimeyn ku saabsan dhacdada, ayaa ku dooday in raaligelintu "aysan ahayn mid dhameystiran".
Raiisel wasaare ku xigeenka Yolanda Diaz ayaa ka dalbaday Rubiales inuu iscasilo.
Hermoso, oo xiratay funaanadda qaranka Spain 101 jeer, ayaa hadalkeeda ugu horreeyay ee mawduucan ku sheegtay Instagram-ka iyadoo tiri "ma jecelysan falka uu igu sameeyay falka Rubiales Sida uu qorshuhu yahay, ciyaarta soo socota ee kooxda heysata horyaalka adduunka haweenka ee Spain ayaa lagu wadaa inay la ciyaarto Sweden 22-ka Sebtember ciyaar ka tirsan League Nations.
Ilaa hadda, 81 ciyaaryahan ayaa sheegay in aysan ka ciyaari doonin xulka qaranka inta Luis Rubiales uu yahay madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee boqortooyada Spain. Waxaa ku jira dhammaan kooxdii ku guuleysatay Koobka Adduunka Haweenka.

0 Comments