Fahad Yaasiin oo ka hadlay Markabka hubka ee Puntland qabsatay

 




Taliyihii hore ee NISA Fahad Yasin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yasin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay muranka cirka isku shareeray ee uu dhexeeya DF iyo Maamulka Puntland kaasoo la xiriira markab hub iyo gaadiid dagaal sida oo u soo socday Muqdisho kaasoo ay qabsatay Puntland haatana ku xiran dekeda Boosaaso.


Hoos ka daalaco qoraal Fahad Yaasiin kaga hadlay arrintan

Madaxweynaha  Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka? Waa nasiib darro inaysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.


Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin, wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay. Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.


Post a Comment

0 Comments