Ciro oo si kulul u dhaleeceeyey abaabul ay wado Dowlada Somalia

 




Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si kulul uga hadlay abaabulka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo Bariga Gobolka Sool, isaga oo arrintan ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax bannaanida Somaliland.


Isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayuu Madaxweyne Cirro caddeeyey in aan wax wada hadal ah lala geli karin Dowladda Soomaaliya inta ay gacanta ku hayso hawlo uu ku sifeeyey “dibin-daabyo ka dhan ah Somaliland.


Soomaaliya ma wada hadli karno

Soomaaliya ma wada hadli karno, wada hadalna Somaliland lama gelayso, iyadoo qayb Somaliland ka mid ah ka abaabulayso maamul kale. Waxaanu nahay dad nabad jecel. Waanu difaacaynaa dalkayga iyo dadkayga ayuu yiri Ciro


Hadalka Madaxweynaha ayaa si toos ah ugu wajahnaa abaabulka maamulka SSC-Khaatumo ee uu sheegay in lagu taageerayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Bariga Gobolka Sool, arrin uu sheegay in ay halis ku tahay midnimada dhuleed ee Somaliland.


Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamida deegaannadaa gobollada xeebaha dhaca ayaa sheegaya in abaaruhu ay saameyn ku yeesheen laga soo billaabo Lawyada caddo oo gobolka Awdal ka tirsan ilaa Laasqoray, wuxuuna xaqiijiyay in xoolihii ay intoodii badnaa ay dhinteen, dadkuna ay hadda geeri qarka u saaranyihiin.


Madaxweyne Cirro waxa uu ka digey in Abaaruhu ay sii jiri karaan

Madaxweyne Cirro waxa uu ka digey in Abaaruhu ay sii jiri karaan bilaha soo socda oo aan roob la filayn, wuxuuna ganacsatada iyo dalalka dunida ugu baaqay in gargaarka degdeg ah la gaarsiiyo dadka Abaaruhu saameeyeen oo haatan wajahaya xaalad adag.


Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa noqatay dalkii ugu horreeyay ee ka jawaaba baaq ay horey u direen madaxda Soomaaliland iyo kuwa DFS, waxaana saacado ka hor Jabuuti ay Soomaaliland ku wareejisay deeq raashiin ah oo loogu talo-galay dadka ku nool deegaannada ay Abaaruhu ka jiraan.



Post a Comment

0 Comments