Marka adduunka uu ka fekerayo Soomaaliya
Marka adduunka uu ka fekerayo Soomaaliya, waxyaabaha ugu horreeya ee ay u badan tahay in ay maskaxdaada ku soo dhacaan waa colaadaha iyo burcad-badeedda oo sannadihii u dambeeyay khatar ku ahaa maraakiibta Geeska Afrika.
Xasilooni la'aanta siyaasadeed ayaa xaddiday horumarka ciyaaraha dalka, iyada oo xulka qaranka kubadda cagta ee ragga ee lagu naanayso Xiddigaha Badweynta aysan ciyaar tartan ah ugu ciyaarin gudaha dalkooda tan iyo 1986dii.
Ciyaartu waxa ay taariikh ahaan midaysay dad gaaraya 17 milyan oo ay dhibaateeyeen kala qeybsanaanta qabaa'ilka, waxaana Muqdisho laga yaabaa in dhawaan la ogolaado in lagu qabto ciyaaraha caalamiga ah ee garoonkeeda qaran oo qaada 65,000 oo qof.
Saddexda halyey ee kubbadda cagta Afrika, Emmanuel Adebayor, Samuel Eto'o iyo Jay Jay Okocha ayaa usoo safray caasimadda Soomaaliya si ay uga qayb galaan ciyaar bandhig ah oo ciyaartoyda iyo mas'uuliyiintu ay ka rajaynayaan inay u gogol xaari doonto in xiddigaha ugu sarreeya qaaradda ay si joogto ah u soo laabtaan.
Bandhiggan kubbadda cagta runtii waa wakhti taariikhi ah, waa maalintii ay Soomaaliya ka gashay kaalinta dahabka ah ee masraxa adduunka," ayuu yiri macallin dhalinyarada deegaanka, ahna ciyaaryahan Cabdullaahi Geeseey oo la hadlay BBC Somali.
In aan garoonka ciyaar kula wadaagno Okocha, Eto'o iyo Adebayor, xirashada qalab isku mid ah oo xitaa gool dhalin, waa riyo rumowday. Sawirka martidan ay dib u qaadi-doonaan waa Soomaaliya oo nabad ah, dad midaysan iyo dhaqan kubbadda cagta oo mar kale soo kacaya.
Soomaaliya waxay u qalantaa in lagu aamino inay mar kale dib u bilowdo marti gelinta ciyaaraha dalkooda. Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Real Madrid Adebayor ayaa ammaanay, oo qeyb ka ah socdaal nabadeed oo ay taageerayeen xiriirka kubbada cagta adduunka ee Fifa, waxa uu ku tilmaamay mid cajiib ah.
Kumannaanka qof ee ka soo qeyb galay ayaa garoonka ku abuuray jawi xamaasadaysan oo soo maray waqti hore. Wax yar ayaan ka aqaanaa Soomaaliya, ayuu yiri 41-jirkii hore ee xulka kubbada cagta qaranka Togo. Waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu nabad idin siiyo si aad dalkiina u dhistaan. Ayuu sii raaciyay.
Weli xaalada ammaan ee Soomaaliya ayaa ah mid cakiran, waxaana jawiga garoonka uu ahaa mid kacsan, iyada oo goobta ay ciyaarta ka dhacayso ay ammaankeeda sugayeen ciidamo badan oo Boolis ah. Maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa billowgii sanadkan qaaday weerarro xooggan, waxaana tan iyo bishii Febaraayo ay qabsadeen dhul.
Weeraro dhacay bishii Abriil ayaa sarkaal sare oo Militari ah lagu dilay tuulo 30km u jirta Muqdisho,halka dhowr qof oo kalana ay ku dhinteen Bishan markii qof isa soo miidaamiyay uu beegsaday xarun ciidan oo ku taal caasimadda.
Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa ciyaarta ku tilmaamay mid wax badan ka bedeli karta aragtida caalamka ee ku aadan Soomaaliya, isla markaana la tuso caalamka in Muqdisho ay nabad tahay.
Tallaabada koowaad ee soo laabashada caalamiga ah
Ciyaartoyda kubbadda cagta Soomaaliya ayaa had iyo jeer la daalaa dhacaya sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen heerka qaaradeed, waxaana ciyaartooydooda ragga ay hadda ku jiraan kaalinta 201-aad ee 210-ka xulalka qaran ee adduunka ka jira, iyada oo Seychelles oo kaliya iyo Ereteriya ay kaga hooseeyaan Afrika.
Waligood kama aysan gudbin wareega horudhaca ah ee isreebreebka koobka qaramada Afrika, waligoodna hal guul ayaa ugu diwaan gashan ciyaaraha isreebreebka koobka aduunka ee Fifa.
Jabuuti ayaa noqotay meesha ugu badan ee Soomaaliya lagu qabto ciyaaraha gurigeeda ay ku dheelayso oo muddo ku dhow afartan sano ay dibad joog ka ahaayeen, taasi oo inta lagu jiray waqtigaasi garoonka Muqdisho marar badan loo dalbaday in loo isticmaalo ciidan.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti, Sulaymaan Waaberi, oo sidoo kale xil sare ka haya Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf) iyo Fifa, ayaa sheegay in ciyaarta halyeeyada Afrika ay tahay tallaabadii ugu horreysay ee soo laabashada Xiddigaha Badweynta.
Waxaa laga yaabaa in tallaabada xigta ay noqoto ciyaar saaxiibtinimo oo waddan kale lala yeesho," ayuu hadalkiisa ku daray Waaberi. Markaas ka dib FA-ga Soomaaliya waxay warqad u diri karaan Caf si ay uga codsadaan inay yimaadaan si ay u eegaan garoonka.
Haddii ay buuxiso dhammaan shuruudaha, Soomaaliya waxay ku martigelin kartaa ciyaaraha caalamiga ah halkan Muqdisho. Nasteexa Maxamuud waxa ay ka mid ahayd kumanaanka uga soo qayb galay ciyaartii Talaadada si ay u aragto Adebayor, Eto'o iyo Okocha oo ciyaaraya.
Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in saddex ciyaaryahan oo caan ka ah kubadda cagta ay nagu soo booqdaan, si diirana loo soo dhaweeyo, oo ay si nabad ah soo laabtaan," ayay u sheegtay BBC. Soomaaliya waxaan leeyahay nabaddan ha waarto. Sida ay ciyaartoydaan u yimaadeen oo ay uga baxeen nabad iyo caafimaad wanaagsan, waxaan rajeynayaa in sidaas oo kale ay u noqoto kuwa kale".
Waaga cusub ee garoonka
Waxaa la dhisay 1977 iyada oo uu gacan ka geystay Shiinuhu, waxaana la xiray 1991-dii markii dalka uu galay fowdo, ka dib markii la afgambiyay taliskii milateriga ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka kala socday Maraykanka iyo Pakistan ayaa u isticmaalay saldhig muddo laba sano ah ilaa 1995, markaasi oo dib loo furay muddo sagaal sano ah. Ciidamadii Itoobiya ayaa iyaguna ku sugnaa halkaas, ka hor inta aysan Al-shabaab ka dhigin xaruntooda ugu weyn Muqdisho intii u dhaxeysay 2009 iyo 2011.
Dawlad cusub oo beesha caalamku taageeraysay ayaa la dhisay 2012, taas oo keentay in ciidamo cusub oo nabad ilaalin ah u isticmaalaan garoonka xaruntooda howlgalada. Garoonka ayaa si weyn ay dhibaato u gaartay sannadihii loo isticmaalayey militariga, laakiin cawska macmalka ah ayaa la dhigay waxaana dib loogu soo celiyay adeegii dib u cusboonaysiintii 2020.
Ciyaartii rasmiga ahayd ee dib loogu furay garoonka ayaa dhexmartay kooxaha Horseed SC iyo Muqdisho City Club bishii Luulyo 2021 iyada oo soo jiidatay dadweyne aad u fara badan. Waxaa hadda la rajeynayaa in ciyaarta halyeeyadu ay gacan ka geysato muujinta in ciyaaruhu ay dib ugu soo laabanayaan goob ay haraysay colaad.
Waaberi ayaa yiri Waan garanayaa Soomaaliya. Waa dad isboorti, Kubbada cagta waa jirtaa maalin kasta. Waxaynu leenahay ciyaar halyeeyo ah, waad aragtaan garoonka waa buuxa, waxaan hubaa in garoonkan uu martigelin doono ciyaaraha caalamiga ah".
0 Comments