Khilaaf cusub ayaa ka dhex bilowday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Khilaaf cusub ayaa ka dhex bilowday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Federaalka iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya ka dib markii wasaaraddu soo saartay wargalin ay ku sheegayso in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaar garowga xulalka, sagaashan maalmood kahor ka qaybgalka tartamada kala duwan ee caalamka.
Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha looga baahan yahay in ay hannaan daah furan u maraan qaadashada macalimiinta, ciyaartoyda iyo maamulka xullalka qaranka, iyadoo wasaaraddu ku yeelanayso kaalin kor joogteyn.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in go’aannada ay kor dhigeen xiriirrada ciyaaraha ay uga gol leeyihiin sidii loo ilaalin lahaa Tayada ciyaartoyda iyo macalimiinta ee matalaya xulalka kala duwan ee ciyaaraha.
Waxaa masuuliyad naga saaran tahay cidda calanka iyo magaca Soomaaliya matalaysa inaan ka warhayno oo aan ogaano, ma tahay ciddii ku haboonayd, cid u qalanta ma tahay, waxyaalahaas oo dhan ayaan ka eegeynaa,’ayuu yiri Wasiir Maxamed Barre.
Talooyinka iyo amarrada noocan ah
Talooyinka iyo amarrada noocan ah dhawr jeer oo hore ayay wasaaraddu u jeedisay xiriirrada ciyaaraha, laakiin waxba kama hirgalin sabab la xiriirta, iyagoo u arka in shaqadoodu ka madax bannaan tahay dawladda.
Dhawr mar ayaan kala hadalnay waxaan ku niri war qaramada marka ay baxayaan, qaranka qof maleh, xiriir maleh, shakhsi maleh, wasaarad maleh, qaran waaye ummadda soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa,
Hanala soo wargeliyo xilli hore, marka waxaa caado u noqotay, marka qaranku leeyahay ciyaar soddon maalmood kahor, in xiriir walba isagoo ordaya in uu wasaaradda yimaado oo uu yiraahdo baasaboor ha naloo sameeyo, hawshaas ayaa nagu soo laalaabatay, waa ka dignay, waa ka dignay, dhagaha ayay ka fureysteen.’’
Wasiirka waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay guuldarooyinkii ugu dambeeyay ee xulka kubada cagta Soomaaliya ka soo gaaray is reebreebka koobka aduunka, waxaana uu aad u dhaliilay macallinka ajnabiga ah ee tababarayay xulka iyo qaabkii lagu soo xuleyba.
Macalinka Marookaanka ee hadda laylinayay xulkeena, waligii xul ma soo maamulin, xitaa koox weyn oo wadankiisa ah ma soo hoggaamin, qiyaas marka xulkeenu maaha iskool wiido ama meel lagu barbarto, annagu waxaan doonaynaa macalimiin Soomaaliyeed baan helaynaa oo aqoon leh, mar way dhammaatay waqtigii xulka qaranka dad gaar ah ay siday doonaan ugu takri fali jireen,’’ ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.
0 Comments