Waa maxay mustaqbalka kubadda cagta ee Ronaldo?

 




Ka dib markii uu faafiyey qoraal muran dhaliyey 

Ka dib markii uu faafiyey qoraal muran dhaliyey oo uu soo dhigay baraha bulshada, waxaa muuqata in Cristiano Ronaldo uu qorsheynayo inuu ka tago kooxda Al-Nasr ee dalka Sucuudiga.


Ronaldo oo 40 jir ah ayaa ku biiray kooxda kubadda cagta ee Al-Nasr bishii Janaayo 2023, waxaana qandaraaskiisa kooxda uu dhacayaa bisha soo socota.


Ronaldo aya u dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee ciyaartii dhexmartay kooxdiisa Al Nasri iyo kooxda Al-Hilaal ee dalka Sucuudiga taasoo 3-2 kusoo dhamaatay ayna guuleystay kooxda Al-Hilaal. Goolkan ayaana ahaa kii 800aad ee u dhaliyo intii kubadda cagta kooxaha u ciyaaraayay.


Kadib guuldarradaas, Ronaldo ayaa ku qoray barta X "Xilligani wuu dhammaaday. Sheekadu? Weli waa la qorayaa. Waad mahadsan tihiin dhammaantiin.


Wadahadalka Koobka Adduunka ee Naadiyada"

Toddobaadkii hore, Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa sheegay in laga yaabo in Cristiano Ronaldo uu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee Naadiyada, ka dib markii kooxda Al-Nasr ay ku guuldarreysatay inay u soo baxdo tartankaas.


Ronaldo wuu u ciyaari karaa mid ka mid ah kooxaha ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee Naadiyada," ayuu Infantino ka yidhi barnaamij ka baxay YouTube.


Wadahadallo ayaa socda oo lala leeyahay kooxo dhowr ah, markaa haddii ay jirto koox hadda eegaysa arrintan oo xiisaynaysa inay la saxiixato Ronaldo… yaa garanaya?


Koobka Adduunka ee Naadiyada oo lagu qabanayo Mareykanka xagaagan ayaa ah imtixaan adag oo horyaalla FIFA. Waa markii ugu horreysay ee tartanka ay ka qeyb galaan 32 kooxood.


Si kastaba ha ahaatee, tigidhada ciyaaraha intooda badan wali lama iibin, oo waxaa ka mid ah ciyaarta furitaanka oo ay isku arkayaan Inter Miami — oo uu u ciyaaro Lionel Messi iyo Al Ahly.


Kooxdee ayaa la saxiixan karta Ronaldo?

Waxaa jira kooxo aad u yar oo caalamka ah oo awoodi kara inay in ay bixiyaan mushaarka Ronaldo. Wuxuu noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kubadda cagta markii uu laba sano ka hor ku biiray Al-Nasr. Warbixinno ayaa sheegaya in Ronaldo uu sannadkii qaato ku dhowaad 200 milyan oo Yuuro.


Dabcan, waxaa sidoo kale suuragal ah in Ronaldo uu saxiixo qandaraas gaaban oo uu kooxdaas kula ciyaaro Koobka Adduunka ee Naadiyada, kadibna uu go'aan ka gaadho mustaqbalkiisa.


Wargeyska reer Spain ee Marca ayaa toddobaadkii hore qoray in koox reer Brazil ah ay dalab u dirtay Ronaldo si ay ula saxiixato. Kooxda Botafogo, oo ka mid ah kooxaha ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee Naadiyada, ayaa la sheegay inay la xidhiidhay weeraryahanka.


Waxaad hadiyado sugtaa oo keliya marka Kirismaska la joogo, balse marka ay yimaadaan, lama diidi karo xiddig sidaas oo kale ah. Anigu waxba ma ogi, waxaan kaliya ka jawaabay su'aal, ayuu yidhi tababaraha kooxda, Renato Pavia.


Laakiin sida aan horay u idhi, tababarayaashu mar walba waxay rabaan kuwa ugu fiican. Ronaldo waa mashiin goolal dhaliya xitaa da'dan hadda. Koox fursado badan abuurta ayuu si fiican ula shaqeyn karaa." Ayuu ku daray.


Suurtogalnimada kala iibsiga iyo xeerarka cusub Suuqa kala iibsiga xagaaga ee Ingiriiska wuxuu furnaan doonaa laga bilaabo Juun 16 ilaa Sebtembar 1. Si kastaba ha ahaatee, fursad yar oo gaar u ah kooxaha ka qeyb galaya Koobka Adduunka ayaa furnaan doonta laga bilaabo Juun 1 ilaa Juun 10.


FIFA ayaa sameysay xuquuq gaar ah oo u oggolaanaya kooxahaas inay ciyaartooy cusub la saxiixdaan muddadaas gaarka ah.


Goorma ayuu bilaabanayaa Koobka Adduunka ee Naadiyada? Tartankan, oo lagu qabanayo 12 garoon oo ku yaalla Mareykanka, wuxuu bilaaban doonaa Juun 12. Waxaa la ciyaari doonaa 63 kulan, iyadoo ciyaarta kama dambaysta ah la qaban doono Luulyo 13 garoonka MetLife Stadium.


Tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Al-Nasri Ronaldo ayaa u dhaliyay kooxdan 99 gool 111 kulan oo uu ciyaaray taas oo ka dhigan in boqolkiiba 89% ka badan oo goolal dhaliyay kulamadii uu ciyaaray.


Post a Comment

0 Comments