Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Sanduuqa OPEC si ay u xaliyaan deymo gaaraya 36 milyan oo doolar

Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Sanduuqa OPEC si ay u xaliyaan deymo gaaraya 36 milyan oo doolar

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Sanduuqa Horumarinta Caalamiga

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC si loo xalliyo deymo weli taagan oo ku kacaya US$36 milyan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Aghi oo heshiiskan ku saxiixay Vienna ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay door muhiim ah ka ciyaartay fududeynta wada xaajoodyada, taasoo keentay in la dardargeliyo hannaanka deyn cafinta.

Aghi waxa uu sharraxay in heshiisku uu yahay mid kale oo muhiim u ah

Aghi waxa uu sharraxay in heshiisku uu yahay mid kale oo muhiim u ah wada-xaajoodyada guusha leh ee socda si loo dhimo culayska deynta iyo taageeridda xasilloonida dhaqaalaha guud iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in tallaabadan ay Soomaaliya ka dhigi doonto mid u qalanta ka qeyb qaadashada mashaariicda horumarineed ee xiriirka la leh Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ee OPEC, si la mid ah dalalka kale ee Afrika ee soo koraya.

Bishii Disembar 2023, IMF iyo Bangiga Adduunka waxay ku heshiiyeen

Bishii Disembar 2023, IMF iyo Bangiga Adduunka waxay ku heshiiyeen in Soomaaliya laga cafiyo 4.5 bilyan oo dollar oo deyn ah kadib markii dalka Geeska Afrika uu soo gabagabeeyey sannado badan oo dib-u-habeyn maaliyadeed ah oo lagu sameeyay hindisaha wadamada deymaha leh ee HIPC.

Dadaalkan waxa bilaabay 1996kii Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka si loo caawiyo waddamada ugu saboolsan adduunka si ay u gaadhaan sii jiritaan deynta.
la xidhiidha


Post a Comment

0 Comments