Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimo ay ka qeybisay 1,000 boorso oo Iskuullo ah oo ku yaalla Soomaaliya, ka hor sannad dugsiyeedka soo socda.
Sida ay qortay wakaaladda wararka Sacuudiga, Agabkan waxbarasho waxaa si toos ah uga faa’ideystay 1,000 arday oo Soomaali ah.
Tani waxay ku timid qaabdhismeedka gargaarka bini'aadantinimo iyo gargaarka ay bixiso Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyada oo loo marayo Xarunta si loo taageero qaybta waxbarashada ee wadamada u baahan, kor u qaadida jawiga waxbarashada iyo bixinta shuruudaha aasaasiga ah ee waxbarashada ardayda lab iyo dheddig.
Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay dalalka taageerada weyn ka hela Sacuudiga, iyadoo ay ugu wacan tahay caqabadaha bani’aadanimo iyo kuwa dhaqaale ee soo wajaha.
0 Comments