Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kala hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Fayyad bin Xamiid Al-Ruwaali, xiriirka gaashaandhigga iyo iskaashiga milateriga ee labada dal ee walaalaha ah.
Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, gaar ahaan kuwa la xiriira xoojinta dadaallada wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.
Wadahadalladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Sacuudiga.
0 Comments