Masar oo ballan-qaad u sameysay Soomaaliya

Masar iyo Soomaliya


Dowladda Masar   oo ka mid ah Dowladaha xiriirka qotoda dheer la leh Soomaaliya, isla-markaana ku jirta dalalkii uu cilaaqaadkoodii diblumaasiyadeed ku cayaaray Farmaajo, ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo laabatay.


Dowladda Masar waxa ay Soomaaliya u ballan qaadday in ay caawineyso dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, isla-markaana ku deeqayso deeqo waxbarasho iyo tababaro u gaar ah cilmiga badaha iyo kallumeysiga, tababaro badmaaxiin iwm.


Ballanqaadkaan ayaa yimid kadib kulan dhex maray Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan iyo dhiggiisa Masar Sayed Al-qasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Masar.


Wasiirka Beeraha Masar Al-qassir oo aad u soo dhoweeyay kulankan ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin is-lamarkaana ay dowladda Masar waajib ku tahay in ay garab istaagaan dalka dhaca geeska Afrika iyo calaaduhu ragaadiyeen.


Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, Masarna ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka labada dal qayb weyna ka qaadato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, si shacabku uga faa’iideysto kheyraadka.


Wasiir Axmed ayaa dhigiisa Masar  ka dalbaday in dowladda Masar ay kala shaqayso dowladda Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa Kallumaysiga dalka, loo heli lahaa Maraakiib Kallumaysi, tababaro kor loog qaadayo tayada kalluumeysatada, iyo meelaha kallunka lagu diyaariyo si logo iib geeyo Masar Iyo duniga intiisa kale.


Wasiir Ahmed ayaa u sheegay dhigiisa dalka Masar in dowladda Soomaliyeed danaynayso in ganacsatada Soomaaliyeed loo furo suuqa Masar si ay ugu soo iib geeyaan kalluunka Soomaaliya iyo in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka kalluunka iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda iyo aqoonta Masaaridu u leeyihiim Kalluumeysiga.


Ugu danbayn labada wasiir waxay ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (joint ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, si ay u soo diyaariyaan dhinacyada la iska kaashan doono.

Post a Comment

0 Comments