Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada sida weyn u saameeyay isbadalka cimilada.

   

wasiirka deegaanka

Wasiirka deegaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Khadiija Makhzoumi, ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay sida weyn u saameysay isbeddellada cimilada.


Wasiirka deegaanka Soomaaliya oo hadda ka qeyb galaya shir madaxeedka Cimilada ee ka socda dalka Masar ayaa sheegay in fatahaadaha iyo kulaylka sii kordhaya ee Soomaaliya ay u baahan yihiin in aan magdhow ka bixinno khasaarihii ka dhashay is bedelka cimilada ee ka dhacay dalkaasi. 


Wasiir Makhzoumi ayaa hadal ay siisay Channel-ka wararka ee Qaahira waxay ku dartay:  Waxaan joognaa shirkii 27-aad ee Cimilada oo uu martigeliyay Sharm El-Sheikh, si aan khibradaha isku dhaafsano, waxaana ka qayb-galnay shir-madaxeedka Cimilada, sababtoo ah shirkan muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan maadaama uu shirkani yahay mid muhiim ah dalalka Afrika.


Post a Comment

0 Comments