Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP-27) ayaa xalay gaaray magaalada Sharma Sheekh ee waddanka Masar
Madaxweynaha ayaa Madaxda Caalamka la wadaagi doona, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha.
Waftiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah khuburada cimilada Soomaaliyeed, Wasiirro iyo madax kale, waxaana Sharma Sheekh hore ugu sii sugnaa in ka badan 10 xubnood oo ka socda Wasaaraddaha Degaanka Soomaaliya heer Federaal iyo heer State.
Shirka Cop27 ayaa shalay oo Axad ahayd 6 Noofambar ka bilaabmay magaalada Sharma Sheekh isagoo socon doona ilaa Jimcaha danbe 18- ka Noofambar, waxaana ka qeybgalaya hoggaamiyaal kala matalaya in ka badan 120 waddan oo dunida ah.
Shirka Cimilada ee QM ee Cop27 waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa xakameynta dhacdooyinka cimilada daran ee adduunka oo dhan saameeyay, dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka Ukraine iyo sidii looga hortagi lahaa kuleynka sii siyaadaya.
Soomaaliya waa mid ka mid ah waddama ay sida daran u saameysay is-baddelka Cimillada, taas oo sababtay abaaro ba’an oo ka dhashay afar xilli roobaad oo baaqday, guud ahaan dalalka geeska Afrika ayay ku dhuftay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.
0 Comments