Digniin laga bixiyey barafka yaalla qeybo kamid ah dunida oo dhalaalaya

 


Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in saddex meelood meel barafka yaalla goobo ku yaalla adduunka ay meesha ka baxayaan marka la gaaro sanadka 2050-ka, sababo la xiriira isbeddelka cimilada.


Cilmi baadhayaashu, ayaa waxay isticmaaleen xogta dayax-gacmeed, si ay ula socdaan hoos u dhacaa ku dhawaad​​sagaal iyo toban kun xajmi baraf gaaraya.


Waxay ku soo gaba gabeeyeen baaritaankoodda, in xitaa haddii kororka heerkulka caalamiga ah laga dhigo mid ka hooseeya hal-dhibic- iyo- shan darajo, barafka yaalla goobaha sida Kilimanjaro ee dalka Tansaaniya iyo Yosemite ee dalka Maraykanka, ay baabi'I doonaan soddon sano gudahood.


Warbixinta hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka - UNESCO - ayaa sheegtay in haatan ay tahay xili xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, oo aanan waxba laga qaban karin isbeddellada socda; iyo in qiiqa caalamiga ah loo baahan yahay in si weyn loo dhimo, si loo yareeyo baaba’a ku socda barafka.

Post a Comment

0 Comments