Muran ka taagan cidda leh haraadiga dayax gacmeed ku fakaday dayaxa.

Hawada sare

Khubarada hawada sare ayaa sheegay in haraadiga dayax gacmeed la rumaysan yahay inuu ku wajahan yahay dayaxa aanu ka iman shirkadda SpaceX ee uu leeyahay maalqabeen Elon Musk.

Taa bedalkeeda, waxa ay rumaysan yihiin in haraadigaas uu ka yimid dayax gacmeed uu leeyahay dalka Shiinaha, looguna talagalay sahminta dayaxa oo hawada sare loo diray sanadkii 2014.

Khubarada oo saadaaliyay in qalabkaas uu dayaxa haleeli doono horraanta bisha soo socota ee March, ayaa tilmaamay in saameyn kooban ay ka dhalan doonto marka uu ku dhaco badka dayaxa.

Haraadiga dayax gacmeedkaas ayaa markii ugu horreysay la arkay bishii January ee sanadkan.

Bill Gray oo daraaseeya xogta ayaa markii hore ku tilmaamay haraadiga dayax gacmeedka uu ka yimid Falcon 9 booster oo qeyb ka ah mashruuca saadaasha hawada sare ee uu Elon Musk billaabay sanadkii 2015.

Gray ayaa hadda sheegaya inuu khalad ka dhacay, oo haraadiga ku wajahan dayaxa uu yahay qeyb kamid ah dayax gacmeedka Chang'e 5-T1 ee Shiinaha uu bishii October 2014 u diray hawada sare, balse Shiinaha ayaan weli ka hadlin arrinkan.

Hay'adda NASA ee Maraykanka u qaabilsan hawada sare ayaa arrintan fursad u aragta, waxaana ay sheegtay inay isha ku hayso dhibaatada uu haraadigaas fakaday u geysan karo badka dayaxa.

Hay'adda ayaa dhacdadan ku tilmaantay "fursad wanaagsan oo cilmi-baaris lagu sameyn karo."

Prof Jonathan McDowell oo ku takhasusay culuunta hawada sare ayaa u sheegay BBC inuu ku waafaqsan yahay Gray qiimeynta labaad ee uu sameeyay. Waxa uu tilmaamay in khalad uu ka dhici karo qiimeynta ku aaddan walxaha duula hawada sare, maadaama ay weli kooban tahay awoodda bani'aadanka uu kula socon karo walxahaas.

Hawada sare ayaa sanadihii dambe noqotaya meel ay ku tartamaan dalalka ugu awoodda badan caalamka, waxaana hadda loolankaas ku soo biiray shirkaddo ay leeyihiin maalqabaneennada caalamka.

Elon Musk iyo Jeff Bezos oo ah labada nin ee ugu hantida badan caalamka ayaa sanadkii la soo dhaafay dalxiis ahaan u tegay hawada sare. Labaduba waxa ay leeyihiin shirkado ku hawlan sahminta hawada sare, iyagoo rajeynaya in dhawaan dad rakaab ah ay u dalxiis geeyaan halkaa.

Post a Comment

0 Comments