Lamaane Facebook iska helay oo lix maalood ka dibna is guursaday.

Arooskii lamaanaha

Qof kaste oo Facebook isticmaala wuxuu arkaa waxyaabo uu la yaabo.

Waxaa ka mid noqon kara dad aadan aqoonin oo kugu soo darsada, qol ay koox furatay oo xubin lagaa dhigo adigoon dalbanin iyo qoraallo iyo sawirro lagula wadaago adigoo aan rabin.

Laakiin nin Nigeria u dhashay ayaa heer cusub gaarsiiyay layaabkii markii uu soo bandhigay xayaysiin aan caadi ahayn.

Chidimma Amedu ayaa qoraal soo dhigay Facebook , isaga oo dumarka waydiistay in ay la soo xiriiraan haddii ay guur diyaar u yihiin, sida uu BBC-da u sheegay.

"Ma yari oo wakhti badan baan soo noolaa, arrintaasna ma qarinayo, diyaar baana u ahay in aan qirto. Wakhti dambana iskama luminayo."

"Isoo dira codsiyadiina - gabadha ugu dhibco badata ayaana guursan doonaa," sidaa ayuu Facebook ku qoray.

Markale ayuu qoraal kale ku xoojiyay isaga oo yiiri , "Arrintan waa iga dhab, haddaba ha oranin qoraalkaaga ma arkin. Nasiib wanaagsan.

Dhawr ruux ayaa qoraalkaas uga soo jawaabay, laakiin waxaa dareenkiisa soo jiitay midda uga timid Sophy Ijeoma

Waxay u qortay "Anigaa ku danaynaya........ ceeb.." astaanta qosolka ee lols ayayna sii raacisay.

Markii hore waxay la ahayd kaftan, waxayna qoraalkaas u qortay in sheekadu sii socoto oo kali ah.

Fariin gaar ah ayuu u diray ka dibna Facebook ayuu ka wacay kaas oo bog cusub u furay noloshii gabadha.

Labo maalmood ka dib markii ay sheekadii u horraysay dhex martay, wuxuu galay safar 500km ah, wuxuu ka baxay Abuja oo deggan yahay, si uu u tago Enugu oo ay gabadhu ku nooshahay.

Waxay ku sugaysay bannaanka dukaan tafaariiqda lagu gado waxayna kulankoodii koobaad ku tilmaantay "jacaylkii aragtida ka billawday".

"Waa ninkii dunida ugu quruxd badnaa ee aan waligay la kulmo. Markaan arkayba waan ka helay". ayay tiri

Ka dib labo saac oo ay wadahadal "adag" yeesheen wuxuu ka dalbaday in ay la booqato adeerkii oo ay gabadha isku magaalo ku nool yihiin.

Markaas waxaa la waydiiyay waxa madaxeeda ka guuxaya, waxayna tiri kaftan kaftan ayay ila yara tahay, laakiin way ku faraxsanayd in Chidimma uu hawsha si wanaagsan u waday

"Waxaan galnay guriga adeerkii wuxuu yiri: 'adeer waatan gabdha aan rabo in aan guursado."Chidimma qoyskiisana hawsha dib ma aysan u sii dhigin adeerkiisana wuu ku raacay.

Dhaqanka Igbo waxaa qayb muhiim ah ka ah in qoyskaagu ay ku qancaan gabadha aad nolosha wadaageysaan.

In aad xayaysiin Facebook soo dhigto gabdhihii kuu soo jawaabay mid ka mid ahna aad maalinta lixaad guursato arrin sahlan ma aha. haddaba sideed u guursan kartaa qof aad hadda uun is barateen?

Gabadhu kama hadlayso in ay xataa halmar isu soo dhowaadeen, balse waxaa ka muuqatay ka go'naansho.

Waxay tiri "markii u horraysay een arkayba waan ka helay, balse ma ogayn sida ay uga go'antahay in uu i guursado,"

"Markii aan adeerkii iyo xaaskiisa u tagnay ayay ii xaqiiqawday in arrintaasi ay rumoobi karto waana rabay" ayay intaas ku sii dartay.

Post a Comment

0 Comments