Gabar Somali ah oo qoyskeeda ay ku ogaadeen arrin aysan filaneynin.

Sumaya

"Maxaa tiri?! Hilibka waan ka caagganahay aa?….yaah?!… Maxaa xiga marka… ma waxaad tuuri rabtaa xijaabka?!"

Hadalladaas waxaa tiri Sumaya hooyadeed, ka dib markii ay ogaatay in gabadheedu aysan hilibka cunin balse khudaarta oo kaliya ay cunto.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan hooyadey muuqaal ka duubo markaas! jirkeeda oo dhan wuu isbaddalay. Waxay ii arkeysay sidii inaan qof dilay oo kale", ayey tiri Sumaya oo 18 jir ah, kana soo jeedda galbeedka London.

"Anigana waxaan dhahay 'hooyo, aniga qof bani'aadan ah ma dilin. Wax sidaasoo kale u weyn ma sameynin".

Sida dad badan oo reer Britain ah ay maanta yihiin, Sumaya waxay isku tahay dhowr waxyaabood. Haweeney, muslim ah, xijaab xirata, Soomaali ah. iyo tan ugu dambeysay oo ah inay tahay qof hilibka ka caaggan oo khudaarta kaliya cuna.

Qiyaastii 540,000 oo dadka hilibka ka caaggan ah ayaa ku nool waddanka Britain, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii. Tiradaas waxay 150,000 ka sarreysaa halkii ay mareysay sanadkii 2006-dii, taasoo ka dhigan in dadka noocaas ah ay sii kordhayaan.

Diinta Islaamka, in hilibka xoolaha la cuno waa xalaal, taasina micnaheedu waa in dadka muslimiinta ah ay hilibka cunaan iyagoo diintooda raacaya.

Dadka Muslimiinta ah qaarkood waxay aaminsan yihiin in haddii la iska mamnuuco wax diinta lagu xalaaleeyay ay tahay tallaabo xaaraam ah.

Sumaya durbaba waxay si shakhsi ah u dareentay khilaafka noocaas ah ee salka ku haya in waxa ay diintu banneysay la iska xaaraantinimeeyo.

Waxay muddo lix bilood ah qoyskeeda ka qarineysay inay khudaarta kaliya cunto, oo aysan hilib cunin. Laakiin habeen habeennada ka mid ah ayuu aabaheed u keenay raashin aad loo soo hagaajiyay, oo ah digaag la dubay.

Da'deedu waxay ahayd 16 xilligaas, jilibka ayeyna ka dhaawacneyd, sidaas darteed ayuuna aabaheed ugu keenay wax fiican. "Markii uu guriga yimid, wuu ii yeeray, raashinka digaagga ah ayuuna gacanta ku hayay", ayey tiri iyadoo dib u xasuusaneysa dhacdadaas. "Waa raashinkii aad ugu jecleyd ayuu igu yiri isagoo dhoollacaddeynaya".

Baahidii heysay ayaa isu baddashay walwal iyo naxdin ku saabsan sida ay ka yeeleyso arrinta markaas heysatay. Laakiin waxaa la joogay wakhtigii ay mowqifkeeda caddeyn lahayd.

Cabbaar markii ay taaban weysay hilibkii ayuu aabaheed dareemay inaysan cuni rabin, "Aabe wuxuu igu yiri: 'maxay tahay xushmad darradan, waa maxay sababta aad u cuni la'dahay raashinka aan kuu keenay?, Halkaas ayey arrinteedii ku caddaatay, qoyskeedana waxay ku noqotay fajac.

Sumaya waxay hadda wax ku qortaa website looga hadlo faa'iidada khudaarta, waxayna farriimo taageero ah ka heshay dad badan oo muslimiin ah, kuwaasoo doonaya inay billaabaan cuntada khudaarta kaliya ah.

Post a Comment

0 Comments