Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ferdousa Othman iyo wafdigii la socday ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga Sultan bin Abdul Rahman Al-Murshid. ee Sucuudiga.
Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Madaxa Sanduuqa Horumarinta
Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga labada dhinac, mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa ka fuliyo dalalka soo koraya, iyo saameynta ay mashaariicdani ku leeyihiin kobaca iyo barwaaqada bulshooyinka.
Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerka ay gaarsiisan tahay
Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerka ay gaarsiisan tahay diyaargarowga Soomaaliya ay ugu jirto maalgashiga tooska ah, gaar ahaan horumarinta garoomada diyaaradaha, wadooyinka iyo mashaariicda kale ee mudnaanta u leh dalka.
0 Comments