Dalka Nicaragua ayaa xuddun u noqday muhaajiriinta isaga kala imanaya dalalka caalamka
Dalka Nicaragua ayaa xuddun u noqday muhaajiriinta isaga kala imanaya dalalka caalamka ee doonaya inay soo gaadhaan Maraykanka, kuwaas oo markii hore soo mari jiray jidad halis badan iyo deegaano kaymo ah oo khatar badan.
Muhaajiriinta ka imaaya Americada Koonfureed, dalalka Caribbean-ka, Afrika
Muhaajiriinta ka imaaya Americada Koonfureed, dalalka Caribbean-ka, Afrika iyo Asia ayaa markii hore ku dhiiran jiray inay soo maraan, kaymaha halista badan iyo dhulka aan sharciga adagi ka jirin ee u dhexeeya Colombia iyo Panama, si ay u soo gaadhaan Maraykanka.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xukuumadda ka talisa dalka
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xukuumadda ka talisa dalka Nicaragua ee uu hoggaamiyo madaxweyne Daniel Ortega inay si ula kac ah ugu fududaynayso muhaajiriintu inay dalkeeda soo maraan si ay u gaadhaan Maraykanka.
0 Comments