Soomaaliya ayaa ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee billada ODA AWARD,

somaliya

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee billada ODA AWARD




Soomaaliya ayaa ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee billada ODA AWARD, taasi oo si rasmi ah looga dhawaaqay munaasabad ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.Billadda ODA AWARD ayaa ah abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqda


 waxaana hanashada abaal-marintan baratan adag u galay dalal Afrikaan.


Danjiraha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyay ku-xigeenka maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia.


Maki Xaaji Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay 


Maki Xaaji Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay madaxa qaybta far-shaxanka ee waaxda dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.Soomaaliya ayaa la sheegay inay heerkan kusoo gaartay dedaalka dawladnimada xambaarsan iyo dib u dhiska ay ku samaysay hay’adaheeda dhaqanka, Suugaanta iyo far-shaxanka.





















 

Post a Comment

0 Comments