Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah uqeybsamaha isku-duwidda howlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah taageerada hannaanka deyn cafinta kadib iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeeshada bulshada gobollada qaar ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay
Xasan Sheekh ayaa dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay in labada toddobaad ee ugu horeeya bisha December gudahood ay dhamaan doonto deyn cafinta Soomaaliya.“Bisha December asbuuca ugu horreeya cuna-qabateynta hubka ayaa dhamaanaya Insha Allah. Bisha December 13-keeda deyn cafinta ayaa iyadna dhamaan doonta haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
0 Comments