Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in dood xoogan ay haraysay kulan xasaasi ah
Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in dood xoogan ay haraysay kulan xasaasi ah oo ay maanta magaaladaas ku lahaayeen xildhibaanada Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.Kulankan oo loo ballansanaa in looga hadlo xeerka doorashooyinka ee weli lagu murusan yanay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka maamulkaas.
Hoolka baarlamaanka ayaa waxaa hal mar qabsaday sawaxan xoogan
Hoolka baarlamaanka ayaa waxaa hal mar qabsaday sawaxan xoogan, waxaana la arkayay xildhibaano careysan oo isku fara baxsanaya, sida ay muujinayaan muuqaallo la helay.
Arrinta ay isku qabteen xildhibaanada ayaa timid ka dib markii xubnaha guddiga loo xil-saaray xeerka
jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa
jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe.Intaas kadib waxaa doodda soo farageliyay guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaciyay in meel-marinta xeerkan dib loo dhigo illaa Axadda, waxaana kadib uu sidaas kusoo xiray kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.
0 Comments