Labo xildhibaan oo heer Federaal ah maanta lagu doortay Jowhar

 



Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, ka dhacday doorasho natiijadeeda horey loo sii ogaa, waxaana doorashada kusoo baxay xubno loo xiray labada kursi ay ka geeriyoodeen labo xildhibaan oo katirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Labada kursi ee maanta lagu doortay magaalada Jowhar

Labada kursi ee maanta lagu doortay magaalada Jowhar , ayaa waxaa horey uga geeriyooday Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey , labadan kursi ayaana bilooyin badan bannaanaa.


Kursiga summadiisu tahay Hop097 , ayaa waxaa ku guuleestay oo loo doortay Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 cod, waxaana xildhibaankan la doortay uu la dhashay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye.


Wiil uu dhalay Xildhibaan hore Maxamuud Seysey oo lagu magacaabo

Wiil uu dhalay Xildhibaan hore Maxamuud Seysey oo lagu magacaabo  Cabdulqadir Maxamud Maxamed  ayaa isna loo doortay kursiga aabihiis ka geeriyooday oo summadiisu tahay Hop098  waxa uuna helay xildhibaanka la doortay  90 cod ergaydii wax dooraneysay.


Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo buuxiyay kuraas xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ka geeriyoodeen iyo kuwa kale oo xilal kale oo dowladeed uga tagay, waxaana Baarlamaanka hadda jira muddo xileedkiisa ka harsan muddo sannad ka yar.


Post a Comment

0 Comments