Soomaaliya iyo Turkiga oo wax ka beddelay heshiis ay horey u gaareen xilligii Farmaajo

 




Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.


Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah

Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiga, gaar ahaan dhanka difaaca, horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo tababarada, qalabeynta iyo dhismaha awoodda ciidanka.


Wasiir Fiqi, ayaa tilmaamay in dib u eegidda iyo saxiixa heshiiskan

Wasiir Fiqi, ayaa tilmaamay in dib u eegidda iyo saxiixa heshiiskan ay muujinayso sii adkeynta xiriirka labada dal iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay si hufan oo waafaqsan maslaxadda qaranka uga faa’iidaysato taageerada walaaltinimo ee ay ka helayso dowladda Türkiga.


Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa marar kala duwan kala saxiixsay heshiisyo badan, heshiisyadaasi qaarkood ayaana la hirgaliyay halka kuwa kalana wali labada dal ka shaqeenayaan hurgelintooda.


Post a Comment

0 Comments