Afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo maanta Muqdisho laga xusay

 




Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad-guuradii 9-aad ee kasoo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga sanadkii 2016.


Munaasabaddan oo lagu qabtay Xarunta Aqoonta

Munaasabaddan oo lagu qabtay Xarunta Aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu daah-furay Iskuulka Luuqadda Turkiga, oo si rasmi ah loogu kordhiyay xarunta, si kor loogu qaado xirfadda luqadeed ee ciidamada, loona xoojiyo xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga.


Wasiir Fartaag, oo halkaasi ka jeediyay khudbad

Wasiir Fartaag, oo halkaasi ka jeediyay khudbad, ayaa ammaanay doorka Dowladda Turkiga ee taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga. Wuxuu intaas ku daray in iskuulkan cusub uu fursad weyn u yahay ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u bartaan luqadda Turkiga, taas oo sare u qaadi doonta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.



Post a Comment

0 Comments