Ka dib markii Qatar ay saddex gool iyo hal kaga badisay xulka
Ka dib markii Qatar ay saddex gool iyo hal kaga badisay xulka Urdun ciyaartii kama danbaysta ahayd ee tartanka Sabtidii, ayaa waxaa baraha bulshada buux dhaafiyay hal ku dhigyo loogu hambalyeynayo xulka Qatar oo gaaray guushii labaad oo xiriir ah, halka dadka qaar ay hambalyo u dirayeen xulka Urdun oo soo gaaray finalka tartanka. Waa markii ugu horreysay taariikhda xulka Jordan uu soo gaaro ciyaarta ugu dambaysa ee tartanka, inkastoo laga badiyay ciyaarta.
Kulankan kama danbaysta ee tartanka ma ahayn mid caadi ah, sida ay dad badan qabaan, markii ugu horreysay taariikhda kulanka ugu danbeeya ee Koobka Qaramada Asia, ciyaarta waxaa lagu arkay 3 rigoore oo ay guusha ku raacday xulka Qatar, taasoo keentay in khilaaf iyo su'aal badan oo la iska waydiiyay "waxtarka iyo daacadnimada garsooraha ciyaarta” oo u dhashay dalka Shiinaha.
Xulka Qatar ayaa marki labaad oo xiriir ah ku guuleeysanaya koobka Qaramada Aasiya, kadib markii ay ku guuleysteen koobkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta sanadkii 2019, markaasoo ay ciyaartii ugu danbeysay ay isku arkeen dalka Japan.
Labo ka mid ah ciyaartoyda xulkan oo asalkooda Soomaali yahay ayaa kaalin weyn ku lahaa guusha dalka Qatar ku hantay koobka. Wargeysyada caalamiga ah iyo kuwa Aasiya ayaa si weyn u faaqiday guusha dalka Qatar, iyaga oo si mug leh u ammaanay ciyaartii ashqaraarka lahayd ee uu soo bandhigay Akram Xasan Cafiif.
Akram Xasan Cafiif ayaa dhaliyay sadex gool oo rigoore ah taas oo xulkiisa guusha uu ku qaaday. Sidoo kale Yuusuf Cabdirisaaq oo asalkiisa Soomaaliya yahay balse haysta dhalashada dalka Qatar, isla markaan daafaca ka ciyaari ayaa sidoo kale soo bandhigay ciyaar aad u qurux badnayd.
Maxaa laga yaqaan labada wiil ee Soomaaliga ah
Maxaa laga yaqaan labada wiil ee Soomaaliga ah ee lafdhabarta u ahaa guulihii Xulka Qatar ee hadal haynta abuuray? Yuusuf Cabdirisaaq wuxuu uu dhashay 6 Agoosto 1999, waa xirfadle kubadda cagta Qatar ah oo garabka uga ciyaara kooxda Stars League ee Al Sadd, Wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa, wuxuu matalaa xulka qaranka Qatar.
Waxa uu xirfadiisa shaqo ka bilaabay kooxda Al Sadd SC sanadkii 2018, Bishii January 2019 waxaa amaah lagu siiyay koox kale oo lagu magacaabo Al-Carabi SC, waxaana uu soo laabtay Agoosto. Inkasta oo uu asalkiisu Soomaali yahay haddana waxaa uu haysta dhalashada dalka Qatar oo uu u dheelo.
Bishii Juun 2023, intii lagu jiray ciyaar saaxiibtinimo oo caalami ah oo ay wada dheeleen New Zealand iyo Qatar, Cabdirisaaq waxaa lagu eedeeyay inuu cunsuriyadeeyay Michael Boxall. Ciyaartaas waa la joojiyay markii xulka New Zealand ay diideen inay soo laabtaan ka dib nasashada iyagoo ka mudaaharaadaya falkasasi uu Cabdirisaq sameeyay.
Xiriirka Kubadda Cagta Qatar ayaa sheegay xiligaasi in xidigga xulka qaranka ee Yuusuf Cabdirisaaq uusan ku tilmaamin ereyo ka tarjumaya takoor ama cunsuriyad ciyaartoyga New Zealand. Akram Xasan Cafiif oo 25 jir ah waxaa uu ka mid yahay ciyaartoyda xirfadda sare leh ee sida weyn isha loogu hayo ee guusha Qatar gaarsiiyay markii labaad oo xiriir ah in ay ku guuleeystaan koobka horyaalada Aasiya.
Waxa uu lambarka 10-aad uga ciyaaraa xulka qaranka ee waddanka Qatar, isagoo kaalin mug lehna ka qaatay guulihii at Qatar ka gaartay tartanka koobka Aasiya. Wuxuu weerarka uga ciyaaraa kooxda Al Sadd, isagoo qaab amaah ah uga soo tagay kooxdiisa Villarreal ee ka dhisan dalka Spain.
Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo horay uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii. Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii. Wiilka asalkiisu Soomaaliga yahay ee aadka looga hadal hayo dalalka carabta iyo sheekooyinka kale ee cajiibka ah ee laga diwaan galiyay koobka horyaalada Asia,
Sida Akram Cafiif looga hadal hayo dalalka carabta iyo waxa uu sameeyay
Ciyaaryahanka reer Qatar ee Akram Xasan Cafiif iyo gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka ee xulka Qatar ayaa muran ka dhaliyay qaabkii uu u dabaaldegay ciyaartii kama danbaysta aheyd ee kooxdoodu guusha ku raacaday , Cafiif ayaa kor u taagay warqad ay ku qoran tahay Xarfka."S
Markii ay ciyaartu dhammaatay ayuu Cafiif soo baxay, wuxuuna soo af-jaray khilaafkii ka dhashay warqadda siyaabo kala duwan loo fasiray, isagoo sheegay inay tahay xarafka ugu horreeyay ee magaca xaaskiisa oo u dhalatay dalka Kuwait oo markii ugu horreysay garoonka ka daawanaysay ciyaarta.
Sidoo kale waxaa baraha bulshada hadal hayn badan ka abuurtay ookiyaale weyn oo lasoo xiray goolhayaha xulka Qatar, Mishal Barshim. Markii danbe ayuu caddeeyay in muraayadahaas uu lahaa walaalkiis ka weyn oo horey ugu guuleeysatay billad dahab ah oo dalka Qatar uu u qaaday tartanka sare ee Olombikada. Dadka qaar ayaa sheegay inuu walalkiisa uu hadiyad ahaan u siiyay kadib markii oo goolhaye Mishal Barshim uu si wanaagasan goosha u difaacay.
Garsoorihii ciyaarta ma Laaluush ayaa la siiyay ?
Xiriirka Kubadda Cagta Asia, waxay isku dayday inay ka fogaado in “khilaaf iyo muran uu ka dhasho” ciyaarta iyagoo magacaabay garsoore u dhashay dalka Shiinaha, laakiin taariikhda Ning oo dhexdhexaadiyay ciyaarta faynalka waxaa ka buuxa sheekooyin cajiib ah oo ay ku jiraan dagaal iyo in uu Laaluush “ qaatay.
Sanadkii 2015, Ma Ning ayaa xuddun u ahaa muran xooggan oo ka dhashaya ciyaaro ka dhacay dalka Shiinaha kadib markii uu seddex kaar oo casaan ah siiyay xidiga u dheelayay kooxo heerka koobada ah oo ka jirta dalka shiinaha . Ma Ning ayaa markale soo shaac baxay Sanadkii 2022, ka dib markii uu si bareera ah u garaacay ciyaartoya reer Brazil ah oo lagu magacaabo Henrique Dorado isaga oo xilligaasi garsoore ka ahaa ciyaar ka tirsanayd horyaalka Shiinaha.
Garsooraha u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxaa weerar dhanka Internet-ka ah uu mar kale kala kulmay taageerayaasha Kuuriya, sababtoo ah waxa uu 5 kaarka digniinta ah siiyay ciyaartoyda Kuuriyada Koonfureed intii ay socotay ciyaartii Bahrain iyo Kuuriya ee koobka Asia.
Dhawaan waxaa soo baxay Warar sheegay in Ma Ning, uu qaatay lacaga laaluush ah” intii ay socotay ciyaarta, laakiin warkaasi waa been abuur, mana jirto wax caddaynaya dhacdada. Qatar oo lagu eedeyay in taageerayaasha xulka dalka Urdun ay u diideen tigidkii garoonka
Dadweynaha reer Urdun ayaa ka cabanayay in ay heli waayeen tigidhada ay kaga qayb galayaan finalka tartankan, waxaanay qaarkood sheegeen in tan iyo bishii Diseembar ee la soo dhaafay ay isku dayeen in ay iibsadaan tigidhadan, ka hor inta aan la shaacin labada kooxood ee u soo baxay finalka tartanka.
Taageerayaal badan oo reer Urdun ah oo u daawasho tagay ciyaartan ka dhacday garoonka Lusail Stadium, kaasoo qaada ku dhawaad 88,000 oo daawadayaal ah, ayaa ka cawday in taageerayaasha Qatar la siiyay boqolkiiba sagaashan kuraastii garoonka.
Kabtanka xulka qaranka Urdun Ixsaan Xaddaad ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn qodobkaas markii ay ciyaartu dhamaatay, wuxuuna sheegay in marka laga yimaado abaabulka wanaagsan ee ay Qatar ka fulisay tartanka, haddana ay jirto “caddaalad darro” lagu sameeyay taageerayaasha Jordan. kuwaas oo aan helin in ka badan 8% tirada kuraasta garoonka.
0 Comments