Kulan xasaasi ah oo ka dhacay xafiiska RW Soomaaliya

 




Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal


Waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira xaaladaha nololeed iyo saameynta ay abaartu ku yeelatay deegaanka.


Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo madasha ka hadlay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay in si deg-deg ah loogu gurmado shacabka ay dhibaatadu ka soo gaartay abaarta, isla markaana la mideeyo dadaallada gurmad ee socda, iyada oo laga jawaabayo baaqii Golaha Wasiirrada ay ka soo saareen xaaladdan 17-kii bishan Luulyo.


Xukuumadda DanQaran ayaa dardargelinaysa

Xukuumadda DanQaran ayaa dardargelinaysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen  gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.


Post a Comment

0 Comments