Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is afgarad ah oo ay la galeen Kooxda Dekedaha Abu Tobi

https://dhalinyaradadifaaacasomaliland.blogspot.com/2024/04/wasiirka-arrimaha-dibadda-iyo.html

 

Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Khamiislaha ahaa

Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Khamiislaha ahaa, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey, heshiisyo is-afgarad ah oo ay la galeen Shirkadda Dekeddaha Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa goluhu waxa ay ku ansixiyeen heshiis is-afgarad ah oo dhex maray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Blue-ga iyo shirkadda dekadaha ee xiriirka la leh Abu Dhabi Ports Group.

Goluhu waxa kale oo uu ansixiyay dib u eegista hay’adaha

Goluhu waxa kale oo uu ansixiyay dib u eegista hay’adaha dawladda ee sanad miisaaniyeedka 2023, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya hannaankii loo adeegsaday iyo hanaankii kala duwanaa ee dib u eegista loo soo maray. 

Golaha Wasiirada ayaa warbixino la xiriira amniga guudee dalka Golaha

Wasiirada ayaa warbixino la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga iyo howlgallada adag ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu warbixin ku saabsan colaadaha ka taagan magaalada Luuq ka dhageystay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo ka mid ahaa wafdigii ay dowladdu u dirtay magaaladaasi.

Dowladda Federaalka oo gacan ka heleysa dowlad goboleedka Jubaland ayaa ku guuleysatay in xabad joojin laga dhex dhigo dhinacyadii ku dagaalamay Luuq, islamarkaana wadahadal lagu xaliyo dhibaatada jirta.

Post a Comment

0 Comments