Maamulka KMG SSC-Khaatumo ayaa beeniyay inuu wada hadal kula jiro
Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa beeniyay inuu wada hadal kula jiro Somaliland ama uu la furayo, sida ay dhawaan shaacisay xukuumadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray arrintaasi, isaggoo sheegay in aysan wax wada-hadal la fureyn Somaliland.
Waxa uu si cad u sheegay in maamulkooda uusan hadda ku tala jirin
Waxa uu si cad u sheegay in maamulkooda uusan hadda ku tala jirin in Somaliland lala furo wada-hadal la isku weydaarsanayo maxaabiis, sida ay warbaahinta u sheegtay Somaliland.
Wax wada hadal ah kulamo jirno Somaliland, haddana kuma talo jirno, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin gooni u goosad ayaan u aqoonsanahay, maxaabiisna ma is dhaafsan karno,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle.
Sidoo kale wuxuu masuuliyiinta Somaliland ku eedeeyay
Sidoo kale wuxuu masuuliyiinta Somaliland ku eedeeyay inay ku howlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku doonayaan in ay ku soo weeraraan deegaannada SSC-Khaatumo.
Maamulka KMG ee hadda ka taliya magaalada Laascaanood ayaa gacanta ku haya maxaabiis ay ku qabteen dagaalladii u dhaxeeyay iyaga iyo Somaliland, kuwaasi oo iskugu jira askar iyo saraakiil ciidan.Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallo hoose oo dhawaan ay shaacisay Somailand.
0 Comments