XASAN oo maanta u baxay safar dibadeed

XASAN oo maanta u baxay safar dibadeed

Madaxweyne Hassan sheikh mahamud ayaa u ambabaxay dalka norway

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.
 

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wada-hadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa ra’iisul wasaaraha Norway, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu khudbad muhiim ah ka jeedin doona

Shirka sanadlaha ah ee Oslo forum 

shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo Madaxweynaha inuu kulamo kala duwan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Norway.

Xasan ayaa Jaaliyadda kala hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo kaalintooda ku aadan dib u dhiska dalka, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah safarkaan.

Safarka ayaa noqonaya midkii ugu horeyey ee MAdaxweynaha uu ku tagaayo dalka norway

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.


Xasan ayaa inta uu joogo xafiiska galay safaro badan, taasi oo qeyb ka ah dhaliilaha ay mucaarad u jeediyaan madaxweynaha, xilli gudaha ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa wax ka beddelka dastuurka iyo heshiiskii u dambeeyay ee Xasan iyo madax goboleedyada.

Post a Comment

0 Comments