Wararaka naga soogaaray gobolka Galmudug Ayaa sheygaya
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaal beeleedkii shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer ee waqooyiga gobolkaasi.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeeshiyo beeleed oo wada daga deegaankaasi oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxayna isku haystaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeeshiyo beeleed oo wada daga deegaankaasi oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxayna isku haystaan dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.
Dhimashada Ayaa kor udhaaftay ilaa 50 qof
Inta la xaqiijiyay tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 50 qof, halka ay dhaawacmeen 60 kale, kadib dagaal qaraar oo shalay dhex-maray labada dhinac.
Maleeshiyaadka diriraya ayaa helay gaadiid dagaal iyo hub, taas oo keentay in dagaalka uu saacado badan qaato, isla markaana uu dhaliyo khasaare baaxad leh.
Dowlada federalka iyo Galmudug ayaa sacadihi ugu dambeeyay
Dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeeyay sameeyay dadaallo dheeraad ah, waxaana lasoo wariyay in ciidamo Boolisa ah iyo Nabad-Sugid la geeyay deegaanka lagu dagaalamay, kuwaas oo kala dhex-galay labada beelood ee is diriraya.Sidoo kale xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaoobinayo colaadda kasoo cusboonaatay halkaasi.Waxaa kale oo uu jiro guddiga wasiiro ah oo ka kooban illaa 5 xubnood, kuwaas oo uu madaxweyne Qoor Qoor u xilsaaray inay xalka keenaan dagaal beeleedkaasi.
0 Comments