Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta oo tallaabadii u horeysay qaaday

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta oo tallaabadii u horeysay qaaday

 

Safiirka cusub ee Somaliya u dirtay dalka Isu Tega Imaaraadka.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u dirtay dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta Danjire Xuseen Xalane ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay tan iyo markii dhowaan loo magacaabisay xilkaasi.

Danjire Xuseen Xalane ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Kaaliyaha Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, oo ku sugan magaalada Dubai ee caasimada dalka Imaaraadka Carabta

Saif Abdulla ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha shaqo ee loo igmaday iyo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya

Safiirka oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu ku metalo dalka

Dhankiisa Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu ku metalo dalka Isu Tegga Imaaraadka oo kamid ah waddamada Khaliijka Carabta.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada waddan iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xiriirka wanagsan ee Somaliya iyo imaaraadka

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa haatan ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeystay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii.
Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

Post a Comment

0 Comments