Soomaaliya ayaa saxiixday sharciga ka hortaggaya dambiyada ka dhaca badda

  

Somaliya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadam oo ka qeyb galay Shirka lagaga hadlayey danbiyada ka dhaca badda ee Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Copenhagen ee dalka Denmark intii u dhaxeysay 23-24-kii bishii March ayaa saxiixay baaqii caalamiga ahaa ee Copenhagen oo ka mid ahaa dadaallada looga hortagayo dambiyada ka dhaca badda iyo la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.


Dhanka shirka, wasiiradu waxay kulan la qaadatay wasiiradda iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Norway, Ann Beati Tvenerim, iyadoo u ballan-qaadday in dalkeeda uu Soomaaliya kala shaqeynayo horumarinta kalluumeysiga.


Aadam ayaa warbixin ka siiyay wasiirka Norway dib u habeynta uu ku sameeyay wasaaradda kalluumeysiga , sharciyadii la ansixiyay iyo sida Soomaaliya aysan u doonayn in ay wax u qabato balse ay doonayso in ay maalgeliso kalluunka ay leedahay.

Post a Comment

0 Comments