Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xarunta Wasaaradda, Safiirka Dowladda Shiinaha ee somaliya, Mudane Chengzhou.
Abshir ayaa kala hadlay safiirka Shiinaha xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, maalgashiga iyo taageerada bini’aadantinimo.
Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha lagu tiriyo in ay ka mid tahay dalalka saaxiibka ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan.
0 Comments