Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa heshiis heer-shaqaale ah ku gaaray dib-u-eegista shanaad ee Hay’adda deymaha ee la dheereeyay, inkastoo dalka ay ka jiraan abaaro iyo xaalad adag oo dhanka ammaanka ah.
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo Iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka. Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo Hufnaanta dhaqaalaha.
IMF Waxa uu intaas ku daray, “Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habayn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu noqday mid lagu qanco… Waxaa lagu gaadhay heer shaqaale oo ku saabsan dib-u-eegista shanaad ee habaynta Facility Extended Credit Facility.”
Khubarada ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli ka jirto xaalad cunto yari ah oo ay abaaruhu sababeen, ku dhawaad 7.3 milyan oo qofna ay heleen gargaar bini’aadantinimo.
Waxay ku macneeyeen in dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha Soomaaliya ay saameysay abaarta iyo sidoo kale hoos u dhaca ku yimid kobaca caalamka, taasina waxay keentay in Qaramada Midoobay ay dib u eegis ku sameyso saadaasha kobaca caalamka ee sanadka 2023 ilaa 2.8% halka uu ka ahaa 3.1%, celceliska sicir bararka ayaa gaaray 6.8% sanadkii 2022; Kororka qiimaha cuntada iyo shidaalka awgeed, waxaa la filayaa inuu hoos u dhaco 4.2% sanadka 2023 iyadoo qiimaha badeecadaha uu hooseeyo
0 Comments