Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka


Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya

Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdullaahi, ayaa maanta oo Isniin ah xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.

Wadahadalada intii uu socday kulanka ayaa lagu falanqeeyay

Wadahadalada intii uu socday kulanka ayaa lagu falanqeeyay sahminta fursadaha ay heli karto dowladda Imaaraadka Carabta si kor loogu qaado hindiseyaasha u adkeysiga musiibooyinka iyo in gacan laga geysto dadaallada ka soo kabashada fatahaadaha El Niño ee la soo dhaafay.

Diiradadu waxay sidoo kale ahayd iskaashiga si loo horumariyo

Diiradadu waxay sidoo kale ahayd iskaashiga si loo horumariyo xalal waara oo loogu talagalay mashaariicda soo kabashada iyo kor u qaadida u diyaar garowga ka hortagga abaaraha mustaqbalka, qorshaha taageerada UAE wuxuu ujeedkiisu yahay in kor loo qaado diyaargarowga hay'adda iyo abuurista kayd dhamaystiran oo jawaab celin degdeg ah.


Post a Comment

0 Comments