Maanta munaasabad ka dhacday garoonka Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho

caawimo

 Maanta munaasabad ka dhacday garoonka Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho

Maanta munaasabad ka dhacday garoonka Aadan Cadi ee magaalada Muqdisho ayaa hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta ku wareejisay shixnad gargaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka.

Shixnad mucaawino ah ayaa waxaa geysay diyaarad

Shixnad mucaawino ah ayaa waxaa geysay diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana imaanshaheeda ay ku soo beegantay xilli ay fooda nagu soo heyso bisha Ramadaan.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Dr. Axmed Cabdi Aadam iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adda ayaa shixnad ka guddoomay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana uu Aadan ballan qaaday in uu gargaar gaarsiin doono dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Post a Comment

0 Comments