Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah
Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah ee ay geysanaayaan dadka rayidka ah, dadka rayidka ah waxan ula jeedaa qof kasto oo aan ka tirsaneyn ciidamada noocyadadooda kala duwan. Waxa aan filayaa in aad is weydiisay sababta ka danbeyso arintaas, sida aan aniguba isku weydiiyay.
Marka aan isku dayay jawaabta su’aashaas, waxaa ii soo baxday
Marka aan isku dayay jawaabta su’aashaas, waxaa ii soo baxday in gaabiska Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha rayidka ah ee lagu rido eedeysanyaasha aan askarta ahayn ee ku kaco dilalka kaska ah, ay tahay sababta ugu weyn ee ka danbeyso kororka dilalkaas. Wali miyaad maqashay amaba aad aragtay
danbiile rayid ah oo geystay dil kas ah ee la geeyay tiirka qisaasta
danbiile rayid ah oo geystay dil kas ah ee la geeyay tiirka qisaasta si loogu fuliyo xukunkii lagu riday? Waan aragnaa dabiilayaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo la geeyay tiirka qisaasta si loogu filiyo xukunno ay ku riday Maxkamadda ciidamada qalabka sida. I xasuusi, hadii aan ilowsanahay, qof Maxkamad rayid ah ay ku xakuntay dil toogasho ah oo lagu fuliyay xukunkii lagu xakumay muqdisho dhexdeeda hadii aad adigu ogtahay ama aad maqashay.
0 Comments