Bihi Iman Aghi, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

wasiir

  

 Bihi Iman Aghi, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Bihi Iman Aghi, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Christina Svensson.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay taageerada dhanka farsamada iyo dhaqaalaha ee Bankiga Adduunka uu siiyo dowladda Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha dib u habeynta maaliyadda iyo xoojinta hannaanka maamulka maaliyadda dowladda.


Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday mashaariicda 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee Bankiga Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya.


Wasiirka Maaliyadda ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan


Wasiirka Maaliyadda ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in xarunta Wasaaradda uu ku soo dhoweeyo wakiilka Bankiga Adduunka, isagoo xusay inuu kala hadlay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda, horumarinta dowlad wanaagga, mashaariicda uu Bankiga ku taageero Soomaaliya, horumarinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Post a Comment

0 Comments