Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay shir deg deg ah la yeeshay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag ula hadlay xubnaha golaha.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.
Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda
Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo goobjoog ahaa shirkaasi.
Sidoo kale waxa uu u sheegay in ajendayaasha deynta cafinta
Sidoo kale waxa uu u sheegay in ajendayaasha deynta cafinta iyo cuna-qabateynta hubka uu qaarna ku guuleystay, qaarna ay meel fiican u marayaan.Hase yeeshee waxa uu saluug ka muujiyay arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.
0 Comments