Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta

gudoomiye

 Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta 


Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.
Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay marti-geliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed.



Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba


Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel iskugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyada oo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan.
Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda.


Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka


Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) Mustafa Yaasiin oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taasoo si xawli u kordheysa.

Post a Comment

0 Comments