Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho
Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay sida caadada ahayd ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre
Inta badan golaha waisirada ayaa shirkan soo xaadiray, ayada oo lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka, oo ay dadaal xoogan ku bixineyso dowladda Soomaaliya.
Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah
Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security), kaas oo ay goluhu maanta u codeeyeen, wuxuuna usii gudbi doonaan baarlamaanka Soomaaliya.
Intaas kadib golaha waisirada ayaa waxaa la horkeenay
Intaas kadib golaha waisirada ayaa waxaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka.Golaha ayaa faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa looga dhageystay warbixinno
0 Comments