xildhibaan dalxa oo kahadlay maxkamadaynta sheegow.

dalxa

 

dalxa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maxkamadeynta sarkaalkan

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah siyaasiyiinta beesha Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maxkamadeynta sarkaalkan oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dalxa ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Shegow

Dalxa ayaa soo dhaweeyay maxkamadeynta Shegow, balse wuxuu ugu baaqay maxkamadda ciidamada iyo bahda garsoorka inay kiiskan waafajiyaan cadaaladda.Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay arrintan ay il gaar ah ulahaato maadaama ay iyadu gacanta ku heyso jananka oo lasoo xiray 19-kii bishii August ee sanadkan, kadib dagaal culus oo uu ciidanka ammaanka kula galay degmada Dharkenley.


Runtii maxkamadeynta jeneraal Sheegow Axmed Cali

Runtii maxkamadeynta jeneraal Sheegow Axmed Cali ee hadda bilaabatay kolleyba waa la soconaa guud ahaan sida ay dadka Soomaaliyeed ula socdaan, mar haddii ay dowladda kiiska gacanta ku hayso waxaan ka codsaneynaa in arrinta Sheegow si Alle ka cabsi leh oo cadaalad ah loo galo garsoorka ayaa looga fadhiyaa” ayuu wareysiga ku yiri Prof. Dalxa.

Prof, Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay doodda ka taagan darajada jeneraal Sheegow oo ay saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada sheegeen inay tahay mid been abuur ah, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

Post a Comment

0 Comments