Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen golaha wasiirada

golaha wasiirada


 Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen golaha wasiirada 

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya, kadib markii ay yeesheen shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Miisaaniyaddaan ayaa noqotay

Miisaaniyaddaan ayaa noqotay tii ugu bandneyd, waxaana ay ku dhor u dhaafeysaa hal bilyan oo dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.Tirada guud ee miisaaniyadda la shaaciyay ayaa ah $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar), waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay golaha .
wa hormar dalka usoo kordhay


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira.
Sidoo kale waxa uu sheegay in markii Soomaaliya deynta laga cafiyo dhamaadka sanadkan ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladda gaarsiinayso bulshada.



Post a Comment

0 Comments