madaxweyne xasan sheekh oo ka guuray dhuuso mareeb
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guuray magaalada Dhuusamareeb oo uu deganaa ku dhawaad seddax bilood.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay 3 diyaaradood Dhuusamareeb uga soo rartay agabkiisii madaxtooyada iyo inta badan shaqaalaha iyo ciidankii ka joogay Dhuusamareeb.
Kooxda ugu dambeysa ee xafiiska Madaxweyne
Kooxda ugu dambeysa ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ka joogta Dhuusamareeb waxay bixi doonaan maanta oo Talaado ah, hadaba muxuu yahay qorshaha Madaxweynaha.?
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmaha soo socda u safraya dalka Ingiriiska, halkaas waxaa ka dhacaya kulamo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Khawaarita Al-Shabaab.
Waxaa sidiisa ku sii soca doona qorshaha dagaalka
Waxaa sidiisa ku sii soca doona qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee kooxda looga xoreynayo Galmudug, si Madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu soo laabto isagoo howlgalku gabagabo yahay ama soo dhamaaday.
0 Comments