Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa ku dhowaaqay inay billaabayaan sanduuq cusub oo lagu taageerayo dadaallada dalka lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa daah-furay sanduuqan oo ay iska kaashanayaan dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda uu Sanduuqan u leeyahay in Soomaaliya ay u istaagto sidii ay uga faa’ideysan lahayd shacabkeeda, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta
Waxa uu sheegay in sanduuqaasi uu diiradda saari doono dhinacyada sida maamulka, amniga, cadaaladda, adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay hadafka
hamiga ah ee Sanduuqa uu ka leeyahay aruurinta deeqaha, waxaana uu ugu baaqay deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha wada shaqaynta leh in ay kaalin mug leh ka qaataan ka qayb qaadashada maalgelintan. Waxa uu sheegay in Sanduuqa uu ku shaqeyn doono si waafaqsan mabaadi’da daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo la jaan-qaadka mudnaanta qaranka.
0 Comments