Raysal Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka UK

Raysal wasaare Xamse iyo danjiraha UK ee Soomaaliya


Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamsa  Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.


Labada masuul ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.


Raysal Wasaare  Xamse ayaa danjiraha la wadaagay qorshaha xukuumaddiisa ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaanada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Post a Comment

0 Comments