Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Geeska Afrika

  

Raysal wasaare Xamse

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa  Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka UNHCR ee Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Avi.


War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda bini’aadantinimo ee barakacayaasha ku nool dalka iyo sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.


Warku wuxuu intaa ku daray in dawladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso iskaashiga wadajirka ah ee labada dhinac, gaar ahaan ilaalinta qaxootiga iyo horumarinta hab-nololeedkooda.


Danjire Avi ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii dalka looga hirgelin lahaa amni iyo xasilooni, taasoo wax weyn ka tari doonta horumarinta xaaladda qaxootiga Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments