Dowladda Shiinaha ayaa lacag dhan 150,000 oo Dollar ugu deeqday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed

  

Shiinaha iyo soomaaliya

Dowladda Shiinaha  ayaa lacag dhan 150,000 oo Dollar ugu deeqday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu  saameeyeen.


Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya u jooga ayaa deeqdan ku wareejiyay guddoomiyaha hay’adda ka hortagga musiibooyinka qaranka, Maxamed Mucalim Cabdullaahi, iyadoo deeqdan lagu wareejiyay Axadii xarunta hay’adda ee magaalada Muqdisho.


Deeqdan ayaa lagu gaarsiin doonaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana lagu gaarsiin doonaa raashin, biyo iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxaana sidoo kale lagu taageeri doonaa dadaallada loogu gurmanayo dadka dhibaateysan.


Safiirka shiinaha iyo Guddoomiye Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ee dhinacyada maaraynta musiibooyinka iyo qaybinta gargaarka.


Deeqdan ka timid dowladda Shiinaha ayaa ah tallaabo muhiim u ah iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha la xiriira maareynta musiibooyinka iyo qeybinta gargaarka, waxaana ay sidoo kale caddeyn u tahay xiriirka adag ee labada dal.

Post a Comment

0 Comments