Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.
Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.
Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray.
0 Comments